Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: fullaacsan
buusnaan eeg buusan². ld buusnaansho.
buusnaansho ld buusnaan.
buux (1) 1. B. ah: wax jilaysan. 2. ld buuxid.
buux (2) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.
buuxdhaaf (1) 1. Wax muggooda, inta dheeraadka ku ah. 2. ld buuxdhaafid.
buuxdhaaf (2) Wax muggooda in ka badan lagu shubay noqosho.
buuxdhaafi Wax muggiisa in ka badan ku shubid.
buuxdhaafid eeg buuxdhaafi². ld buuxdhaafi¹ (2).
buuxdhaafin eeg buuxdhaafi. ld buuxdhaafis.
buuxdhaafis ld buuxdhaafin.
buuxi 1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.
buuxid eeg buux². ld buux¹ (2).
buuxin eeg buuxi. ld buuxis (2).
buuxis 1. Afsaar. 2. ld buuxin.
buuxiye In yar oo caws ah oo lagu kordhiyo masayda marka ay isdhinto.
buuxsamid eeg buuxsan¹.
buuxsan (1) Wax la buuxiyey noqosho.
buuxsan (2) Wax la buuxiyay ahaansho.
buuxsanaan eeg buuxsan². ld buuxsanaansho.
buuxsanaansho ld buuxsanaan.
buuxsasho eeg buuxso.
buuxso 1. Wax muggiisa wax dhan ku shubasho ama ku qaadasho. 2. Foomka b.: warqad meela- heeda bannaan shuruudo looga baahnaa ku qorasho.
buxuur 1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya..
c (ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
caa'ilo Qoys, qaraabo.
caabaq (1) ld caabuq¹.
caabaq (2) ld caabuq³.
caabaqid ld caabuqid.
caabbi (1) ld caabbiyid.
caabbi (2) 1. Adakayn, xajin. 2. Iska c.: iska celin.
<< < 177 178 179 180 181 182 183 184 185 186 187 > >>