Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
doobbadillaacsasho eeg doobba-dillaacso. ld doobbadillaacsad, doobba- dillaacsi.
doobbadillaacsi ld doobbadillaacsasho.
doobbadillaacso Gaarid heerkii uu gulgulada soo ridan lahaa (rati).
doobbagoray ld doobbogoray.
doobbashiid ld doobshiid.
doobbi (1) Meel u furan in dadka dharka loogu dhaqo oo lacag looga qaato.
doobbi (2) Doobba soo ridid (rati qooqan). ld doobi².
doobbin eeg doobbi². ld doobin.
doobbo 1. geesaha fiiqfiiqan oo dhaadheer oo lo'da. 2. ld doob².
doobbogoray Awrka aan weli doobbada soo ridan. ld doobbagoray, doobgoray.
doobdillaacsad ld doobbadilaacsasho.
doobdillaacsasho eeg doobdillaacso. ld doobdillaacsad, doobdillaacsi.
doobdillaacsi ld doobdillaacsasho.
doobdillaacso Miraysasho (geed timir).
doobgaras Nin muddo badan doob ahaa. ld doobgiris.
doobgiris ld doobgaras.
doobgoray ld doobbogoray.
doobguun Nin doobnimo ku gaboobey.
doobi (1) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. ld doobke, doobte, toobke, toobte.
doobi (2) ld doobbi².
doobir Ayaan; nasiib.
doobke ld doobi¹.
doobshiid Sumad geel oo ah laba shiilood doobada labadeeda dhinac lagu dhigo. ld doobbashiid.
doobte ld doobi¹.
dooc War sugan.
doocdooci ld dooci.
doocdoocin ld doocin.
dooci Wax sugan ka raadin (qof). ld doocdooci.
doocin eeg dooci. ld doocdoocin.
dood D. ah: nooc kabaha ka mid ah oo saanta geriga laga sameeyo.
<< < 183 184 185 186 187 188 189 190 191 192 193 > >>