Ereyga Maanta: birimbirqo
caarid (2) (juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan.
caarif Nin aqoon dheerad ah leh.
caarin ld caaryid.
caariyeysad ld caariyeysasho.
caariyeysasho eeg caariyeyso. ld caariyeysad, caariyeysi.
caariyeysi ld caariyeysasho.
caariyeyso Wax caariyo ahaan u qaadasho.
caariyo Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto.
caaro 1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
caaroo ld caarow.
caaroobid eeg caarow. ld caarood.
caarood (1) ld caaroobid.
caarood (2) (daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.
caarooti (1) 1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid.
caarooti (2) Biyo meel ku faafid.
caarootiyid eeg caarooti². ld caarooti¹ (3).
caarow Caaro dareemid (dad ama xoolo). ld caaroo.
caarran Wax dardartiisii qaba ahaansho; firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo.
caarranaan eeg carran. ld caarranaansho.
caarranaansho ld caarranaan.
caarsii Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
caarsiin eeg caarsii.
caaryaysad ld caaryaysasho.
caaryaysasho eeg caaryeyso. ld caaryaysad, caaryeysi.
caaryaysi ld caaryaysasho.
caaryayso Weel, maro iwm mardhacyo uskag ah yeelasho.
caaryid eeg caari². ld caarin.
caaryo Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iwm yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
caashacarrabdheer Qaansarroobaad; jeegaan.
caashaq (1) 1. ld cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. ld caashaqid.
<< < 185 186 187 188 189 190 191 192 193 194 195 > >>

