Ereyga Maanta: gawre
lamahuraan Wax aan la'aantoodu la ahaan karin, aan la huri karin.
lamahuraannimo Lamahuraan ahaansho.
lamakaraan L. ah: qof garmaqaate ah; macangag.
lambar Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. ld nambar.
lambarayn ld lambarin.
lambaree ld lambari.
lambari Wax lambar u yeelid. ld lambaree, nambaree, nambari.
lambarin eeg lambari. ld lambarayn, lambaris, nambarayn, nambarin, nambaris.
lambaris ld lambarin.
lambarsan Wax lambar loo yeelay ahaansho. ld nambarsan.
lambarsanaan eeg lambarsan. ld lambarsanaansho, nambarsanaan, nambarsanaansho.
lambarsanaansho ld lambarsanaan.
lammaan (1) 1. Nafley laba isdhashay ah oo meel ku wada sugan. 2. Labo weligood wada socda. 3. ld dammaan.
lammaan (2) (baay.) Marka la sharraxayo bu'da, unug ama noole leh labanlaabka tiro dhiman oo koromosooma ah ee astaanta sinjiyada.
lammaan (3) Nafley laba isdhashay wax meel ku wada sugan ahaansho.
lammaanaan eeg lammaan³. ld lammaanaansho.
lammaanaansho ld lammaanaan.
lammaanad (1) ld dammiinasho.
lammaanad (2) ld dammiinad.
lammaanasho ld dammiinasho.
lammaane (nax.) Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”. Lammaane = la iyo maan halka e-da danbena ay tahay mid sheegaysa adkaanshiyo sida wax isku naban, isku sudkan. Tusaale: “Waa baahi ka dhaxeysa laba shakhsi si ay isku dhameystiraan”
lammaane-horsan (xis.) Lammaane kutirsaneyaal ah sida (x,y) oo kala horreysiintoodu ay micne weyn ku fadhido. Tusaale ahaan, lammaanaha horsan (2,3) lama mid aha lammaanaha horsan (3,2), marka lagu muujiyo dhidabbada kaartis.
lammaani Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin.
lammaanid ld dammiinid.
lammaanin eeg lammaani.
lammaano ld dammiino.
lammo 1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. ld labo.
Landhan Magaalada Landhan (Af-Ingiriis: London) waa caasimada wadanka Ingiriiska.
laq ld liq.
laqan (1) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>