cabbursan Wax la cabburiyey ahaansho.
cabbursanaan eeg cabbursan. ld cabbursanaansho.
cabbursanaansho ld cabbursanaan.
cabbuul ld cambuul¹.
cabbuur Dhismo yar oo badanaa geedo iyo caws ka samaysan oo hargaantigu u galo gorayada, marka uu gaadayo.
cabdo Naf; ruux.
cabeeb (1) Cudur lo'da iyo carruurta ku dhaca oo nabarro afka ugu yeela, dhareerna ka keena.
cabeeb (2) Cabeeb ku dhicid (lo'ama carruur).
cabeebid eeg cabeeb².
cabid (1) ld cabiid.
cabid (2) ld cabbid.
cabiid (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. ld cabid¹.
cabiidnimo Cabiid ahaansho.
cabiidsad ld cabiidsasho.
cabiidsamid eeg cabiidsan.
cabiidsan Addoon noqosho.
cabiidsasho eeg cabiidso. ld cabiidsad, cabiidsi.
cabiidsi ld cabiidsasho.
cabiidso Qof cabiid ka dhigasho.
cabo (1) Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la karhado.
cabo (2) Erayo calaacal ah dhihid.
cabqari C. ah: qof aad u caqli badan oo u aragtidheer.
cabqarinnimo Cabqari ahaansho.
cabsad ld cabsasho.
cabsan Wax sakhraamay ahaansho.
cabsanaan eeg cabsan. ld cabsanaansho.
cabsanaansho ld cabsanaan.
cabsasho eeg cabso. ld cabsad, cabsi, cabsood.
cabsi Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iwm, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
cabsigeli Nafley cabsi ku abuurid.
<< < 189 190 191 192 193 194 195 196 197 198 199 > >>