Ereyga Maanta: qawle
daacad Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
daacadnimo Daacad ahaansho.
daacadxumo Daacadnimo la'aan.
daacaqurmid eeg daacaqurun². ld dacwashiirid.
daacaqurun (1) Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹.
daacaqurun (2) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir².
daacasho ld daacid.
daaci (1) D. ah: neef aad caato u ah.
daaci (2) 1. (f.g) In weyn oo wax hoore ah shubid. 2. (f.mg) Fatihid (webi).
daacid eeg daac². ld daacasho.
daacin eeg daaci².
daaco (1) 1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn.
daaco (2) ld daac².
daacuf Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.
daacufle Qof ama neef daacuf ah.
daacuun (1) Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo.
daacuun (2) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
daacuun-calooleed ld daacuun¹.
daacuuncaloolo ld daacuun¹.
daacwashiir (1) Daacaqurun.
daacwashiir (2) Daacaqurmid.
daacwashiirid eeg daacwashiir².
daad (1) 1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.
daad (2) (juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
daad (3) Biyo badan oo ka yimid roob da'ay ama webi fatahay faafid.
daadad ld daadasho.
daadasho eeg daado. ld daadad.
daaddah Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo.
daaddeg (1) Meel taag ah gollaheeda.
daaddeg (2) (juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>