Ereyga Maanta: sidqaad
camalfal (2) 1. Camal wanaagsan Eebbe dartii u sameyn. 2. Ku c.: amar sidii laga rabay u fulin.
camalfalad ld camalfalasho.
camalfalasho eeg camalfalo. ld camafalad.
camalfalid eeg camalfal². ld camafal¹.
camalfalo Camal wanaagsan Eebbe dartii u samayn.
camaliyaad eeg camaliyad.
camaliyad 1. Fal. 2. Dariiq, dhicitaan; hab, qaab. 3. Shaqo, hawl.
camalley Haweeney xanaaq badan.
camallow Nin xanaaq badan.
camalsamaan eeg camalsan. ld camalsamaansho, camalsami.
camalsamaansho eeg camalsamow. ld camalsamaan.
camalsami Dabeecad wanaagsan oo qof yeesho. ld camalsamaan.
camalsamow Qof camalsan noqosho.
camalsan Qof dabeecad wanaagsan ahaansho.
camalxumaan eeg camalxun. ld camalxumaansho, camalxumi, camalxumo.
camalxumaansho ld camalxumaan.
camalxumi Dabeecad aan wanaagsanayn oo qof yeesho. ld camalxumaan.
camalxumo ld camalxumaan.
camalxun Qof aan dabeecad wanaagsanayn ahaansho.
camambuur (1) ld camambuurid.
camambuur (2) Camcanka oo la buuriyo caro darteed.
camambuurid eeg camambuur². ld camambuur¹, cambuur¹ (2), cambuurid.
camandhuuji ld camajuuji.
camandhuujin ld camajuujin.
camandulle Farsamo, si aan hagaagsaneyn u sameyn. ld camandulleyn.
camandullee Farsamo, si aan hagaagsaneyn u sameyn.
camandulleyn eeg camandullee. ld camandulle.
camanjuuji ld camajuuji.
camanjuujin ld camajuujin.
camar 1. Nooc cayayaanka yaryar ka mid ah oo hargaha gala. 2. C. ah: qof gaboobay.
<< < 208 209 210 211 212 213 214 215 216 217 218 > >>