kaltiri 1. U k.: xooluhu inta ay biyaha ka qadayaan xisaabin. 2. Wax riman sidkooda u maalmo tirin.
kaltirin eeg kaltiri. ld kaltiris.
kaltiris ld kaltirin.
kalwi Wax si degdeg ah oo is dabajoog ah u qabasho ama dhihid.
kalwin eeg kalwi. ld kalwis (2).
kalwis 1. K. ah: Beer la gooyay xabbad-xabbad badar ah oo haray. 2. ld kalwin.
kalxan (c.nafl.) Laf samaysa qayb ka mid ah garabka, taas oo iskuxidha lafta ballaaran ee garabka iyo lafta dhafka.
kama'1 ld kamma'¹. kama'2 ld kamma'². kama'id ld kamma'id.
kaman ld kaban¹.
kamandhuur1 ld kamandhuurid. kamandhuur2 Si foolxun u fadhiyid. kamandhuurid eeg kamandhuur². ld kamandhuur¹.
kamas Inta u dhexeysa koodka iyo sanqaroorka oo ku beegan indhaha oo aad u godan.
kamasha Gomosho.
kambal1 Agagaarka aqalka. kambal2 1. Kaga k.: cid naf ka qaadid. 2. Is k.: seexasho. kambalid eeg kambal².
kambani Hay'ad madax bannaan oo ku hawlan hawlo ganacsi, cilmibaaris iwm.
kambiyaale Lacag bangi laga deynsado oo muddo xaddidan lagu bixiyo oo ribisaarkeedu badan yahay.
kambrian-ka-horreeye (jool.) Waqtiga dhan ee qiyaas jiyooloji oo ka horeysay xilligii kambriyanka ee waagii 600 oo milyan oo sano ka hor.
kamiin 1. Cabbid horaadda xoolo ooman. 2. Rabitaan saa'id ah oo cunto iyo cabbitaan loo qabo.
kamiinasho eeg kamiino.
kamiinjebi Neef ooman biyo ku qaboobid.
kamiinjebin eeg kamiinjebi. ld kamiinjebis.
kamiinjebis ld kamiinjebin.
kamiino Neef aad u ooman biya cabid.
kamma'1 Wax aan kas ama ula kac loo falin. ld kama'¹. kamma'2 Kas iyo ulakac la'aan wax u samayn. ld kama'².
page : 23 of 73
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>