Ereyga Maanta: geedqaad
hallowsanaansho  ld hallowsanaan.
halmaal  Wixii la halmaala: wixii la xariira.
halmaalid  eeg halmaal.
halmaamid  eeg halmaan². ld halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
halmaan1  1. Xusuus la'aanta la xusuusan waayo wax hore loo soo maray. 2. ld halmaamid. halmaan2  Wax illoobid. ld hilmaan². halmaansii  Qof wax illoowsiin. ld hilmaansii.
halmaansiin  eeg halmaansii. ld halmaansiis, hilmaansiin.
halmaansiis  ld halmaansiin.
halmadow  Bara-baro mad-madow oo qof aan qubeysan jirkiisa ka muuqda.
halojiin  (kiim.) Urur curiyayaal ah (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayayaasha) oo ka kooban foloriin, koloriin, boromiin, ayoodhiin, iyo curiyaha cimriga gaaban ee astatiin.
haloodi  ld haloosi¹.
haloosi1  H. ah: jid weyn oo aan lahayn dhagxan, geedo, godad iwm. ld haloodi. haloosi2  1. Dad badan hees wada qaadid. 2. Ku h.: wax jid weyn, toosan oo aan dhib lahayn marin. haloosin  ld haloosiyid.
haloosiyid  eeg haloosi². ld haloosin.
halow1  1. Midab madow oo dabku ku reebo wax gubtey. 2. Kulka ololka dabka ka soo baxa. halow2  1. ld galow. Meesha godan ee ay iska galaan luqunta iyo sakaarka; dhuun, rubad. 2. H. ah: waddo haloosi ah. halqaad1  1. Hog u banneynta shax la degey hog loo baneeyo si loo ciyaaro. 2. ld halqaadid. halqaad2  Shax la degey si loo ciyaaro hog u banneyn. halqaadid  eeg halqaad². ld halqaad¹ (2).
halqaban  Daboolka birta canjeerada ama laxooxda.
halqabsad  ld halqabsasho.
halqabsasho  eeg halqabso. ld halqabsad, halqabsi.
halqabsi  ld halqabsasho.
halqabso  1. Ku h.: qof in uu hadal guro u adeegsasho. 2. Ku h.: wax, wax kale tilmaan ugu qaadasho.
halqalbac  Abuurka miraha qaarkood oo ka kooban hal beer.
halqooq  1. Dabada (qanaanta) fardaha. 2. Wax walba kan ugu wanaagasan oo ugu qurux badan. 3. (u) Kalluunka biyaha iskiis uga soo booda.
halraac1  Qaadid shax la halqaaday mid u dhow la qaado. halraac2  Shax, dhagax la qaaday mid u dhow ka dab qaadid.
page : 24 of 93
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>