Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
casargaabad ld casargaab.
casariye Shaaha casarka la cabbo.
casarleged Nooc uunsiga ka mid ah oo aad u udgoon.
casarliiq Marka ay qorraxdu aad u gaabato oo ay dhicid ku dhawdahay.
casayn eeg casee.
case 1. Dhagax weyn, guduudan oo guryaha lagu dhisto. 2. Ciyaarta delebka marka afarta qori ee lagu ciyaarayo ay caloolacaddeeyaan.
casee 1. Wax midab cas u yeeelid. 2. Kabo buraash marin. 3. Qof xisaab socota leh, deyn muddo gaaban siin (banki).
caseelli ld caseewi.
caseewi Nooc timirta ka mid ah, lafa yaryar oo guduud xigeen ah. ld caseelli.
caseeye Qof shaqadiisu tahay kabaha in uu buraasheeyo.
cashar 1. In aqoon ah oo macallin u gudbiya arday hal xiso, dersi. 2. Tahliil.
cashari Nafley tahliil ku firdhin.
casharin eeg cashari. ld casharis.
casharis ld casharin.
cashatab (1) Hal irmaan oo gaartey waqtigii ay ku rimi lahayd. ld catajab¹.
cashatab (2) Hal irmaan, waqtigii ay rimi lahayd dhaafid. ld cashatebi, catajab², catajebi.
cashatebi ld cashatab².
cashatebid eeg cashatab². ld cashatebin, cashatebis, catajebid, catajebin, cata
cashatebin ld cashatebid.
cashatebis ld cashatebid.
cashayn eeg cashee.
cashaysii Cid casho siin.
cashaysiin eeg cashaysii.
cashee eeg cashaysii.
cashi (1) Cudur xoolaad ka dhasha deriskunoosha oo cad iyo caano yareeyaan ku rido.
cashi (2) Xoolo cudur deriskunool ka dhasha oo ay la cad iyo caano yareeyaan ku dhicid.
cashibbax (1) 1. C. ah: xoolo cashi ka bogsooday. 2. ld cashibbixid.
cashibbax (2) Xoolo cashi ka bogsasho.
cashibbixi Xoolo cashi ka daweyn.
cashibbixid eeg cashibbax². ld cashibbax¹ (2).
<< < 226 227 228 229 230 231 232 233 234 235 236 > >>