Ereyga Maanta: marjiid
caynad ld cayn².
cayngeri Tinta saynta geriga oo lagu xirto qaansada qorigeeda, badanaana waxaa isticmaala oo lagu aqoonsadaa hargaantiga.
caynsan 1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).
caynsanaan eeg caynsan. ld caynsanaansho.
caynsanaansho ld caynsanaan.
caynsane Bayd faal oo madaxa iyo manjaha min laba ka ah, labada hogood oo dhexda ahna min hal.
caynsasho eeg caynso.
caynso 1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho.
cayo ld canyo.
cayololaad Geed yar oo laamo iyo caleemo biyo ka buuxaan leh oo xooluhu daaqaan, kana baxa birrimada la dego.
cayr (cayr, m.dh) 1. Qof aan hanti lahayn. 2. (c., m.dh.) Dad aan hanti lahayn.
cayrayn eeg cayree.
cayree Qof cayr ka dhigid.
cayriin ld ceeriin.
cayrnimo Cayr ahaansho.
cayroobid eeg cayrow.
cayrow Qof cayr ah noqosho.
caysh (1) ld ceesh¹.
caysh (2) ld ceesh².
cayshid ld ceeshid.
caytamid eeg caytan². ld caytan¹.
caytan (1) Isdhaafsashada cay laba qof ama ka badan isdhaafsadaan. ld caytamid.
caytan (2) Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho.
cayuumaysad ld cayuumaysasho.
cayuumaysasho eeg cayuumayso. ld cayuumaysad, cayuumaysi.
cayuumaysi ld cayuumaysasho.
cayuumayso Cid eegmo wax ku yeelid; cawrin; ilayn.
cayuumid eeg cayuun².
cayuun (1) 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. ld acyuun.
cayuun (2) Cid il wax ku yeelid.
<< < 237 238 239 240 241 242 243 244 245 246 247 > >>