Ereyga Maanta: tiico
cilmifalag Brashada sayniseed ee xiddigaha, dhulalka, iyo waxyaabaha kale oo laga helo hawada.
cilmiga buuraha (jool.) Laan ka mid ah juqraafiga dabiiciga ah oo ku taxaluqda kala sarraynta dhulka, iyo gaar ahaan hababka buuraha.
cilmiga cimilada Sayniska barashada cimilooyinka dunida iyo sida ay u saameeyaan dunida degaanka dabiiciga ah.
cilmiga dhulgariirka (jool.) Cilmiga barashada dhulgariirka.
cilmiga filiqsanaanta xayawaanka (c.nafl.) Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa.
cilmiga gibilka (fiis.) Sayniska barashada lakabyada kala duwan ee hawada.
cilmiga muuqaalka dhulka (jool.) Barashada muuqaallaada dabiiciga ee dhulka, iyo xiriirka ka dhexeya muuqaalladaas iyo dhismaha jiooloojiyeed ee ka hooseeya.
cilmiga qawmiyadaha Barashada sayniseed ee jinsiyadaha bani'aadamka iyo dhaqamadooda.
cilmiga siyaasadda Barashada habka siyaasadeed iyo awoodda xukunka ee looga dhaqmo waddan, gaar ahaan kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqraadiga.
cilmiga usdurraadka Barashada usdurraadka waa sheekooyin laga gaaray dadkii hore, iyo fikrado la xiriira taariikada asalka, qeexid dhacdooyinka dabiiciga ah sida xilliyada.
cilminafsi Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iwm ee qofka.
cilmiyayn eeg cilmiyee.
cilmiyaysan 1. Wax aqoon ku dhisan ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo habeeyey ahaansho.
cilmiyaysnaan eeg cilmiyaysan. ld cilmiyaysnaansho.
cilmiyaysnaansho ld cilmiyaysnaan.
cilmiyee Wax cilmi ku dabaqid.
cimaamad Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. ld cumaamad.
cimaamadan ld cimaamadaysan.
cimaamadasho ld cimaamadaysasho.
cimaamadaysad ld cimaamadaysasho.
cimaamadaysan Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. ld cimaamadan.
cimaamadaysasho eeg cimaama-dayso. ld cimaamadaysad, cimaamaday- si, cimaamadsasho.
cimaamadaysi ld cimaamadaysasho.
cimaamadaysnaan eeg cimaamadaysan. ld cimaamadaysnaansho, cimaamadnaan, cimaamadnaansho.
cimaamadaysnaansho ld cimaama- daysnaan.
cimaamadayso Cimaamad madax ku duubasho. ld cimaamado.
cimaamadnaan ld cimaamadaysnaan.
cimaamadnaansho ld cimaama- daysnaan.
cimaamado ld cimaamadayso.
cimil 1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.
<< < 249 250 251 252 253 254 255 256 257 258 259 > >>