Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: yeeg-bisaliim
cugaal Qoryo geedo gaar ah laga soo guray oo weelasha qaarkood lagu culo.
cugan (1) ld cuban¹.
cugan (2) ld cuban²; culan.
cugasho ld cubasho.
cugay ld culay.
cugid ld Cubid; culid.
cugmid ld cubmid.
cugnaan ld Cubnaan; culnaan.
cugnaansho 1. ld cubnaan. 2. ld culnaan.
cugo ld cubo.
cugtamid ld cubtamid.
cugtan (1) ld cubtan¹.
cugtan (2) ld cubtan².
cuguf ld cagaf.
cukad Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. ld cokad.
cukadayn eeg cukadee. ld cokadayn.
cukadee Harag ari cukad ka dhigid. ld cokadee.
cukan Xoolo biyo ka dhergay ahaansho. ld cokan.
cukanaan eeg cukan. ld cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
cukanaansho ld cukanaan.
cukane Geed yar oo adaahida u eg oo leh buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban.
cukur Dhudhunka iyo calaacashu meesha ay iska galaan; jalaqley.
cul Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².
culaab Culayska shey leeyahay; miisaan.
culaabee ld culaabi.
culaabeyn ld culaabin.
culaabi Wax culaysin. ld culaabee.
culaabin eeg culaabi. ld culaabeyn.
culaacul 1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.
culan Wax la culay ahaansho. ld cugan².
<< < 263 264 265 266 267 268 269 270 271 272 273 > >>