Ereyga Maanta: kelmi
xarrishaad ld xarrishid.
xarrishid eeg xarrish. ld xarrishaad.
xarshaash (1) ld xashaash.
xarshaash (2) ld xashaash².
xarshaashid ld xashaashid.
xarshaasho Carsaanyo.
xarun 1. Caasimad; magaalo madax. 2. Rug; saldhig.
xaruubbamid ld xaruumid.
xaruumbi ld xuruun².
xaruumbin ld xaruumid.
xaruumid eeg xaruun². ld xaruumbin, xaruubbamid, xuruumid.
xaruun (1) Cod xabeeb leh oo hoos loo yiraahdo. ld xuruubban¹, xuruun¹.
xaruun (2) Cod xabeeb leh hoos u dhihid. ld xaruumbi, xuruubban², xuruun².
xaryami Xoolo badan hal mar wada wadid.
xaryamid eeg xaryan².
xaryamin eeg xaryami.
xaryan (1) 1. Xoolo badan. 2. (-nno/-mmo, m.l./dh) Nooc ka mid ah doonyaha waaweyn, siiba kuwa shiraacyada badan leh.
xaryan (2) Xoolo badan hal mar wada guurid.
xas Jiq ka samaysan ood ama dhir yaryar; xanbus.
xasaagaysasho eeg xasaago. ld xasaa-gaysi.
xasaagaysi ld xasaagaysasho.
xasaagayso Gocasho.
xasaago Gocasho; gocad.
xasaasi X. ah: wax taabashadooda, ka hadliddooda iyo talakeenkoodu keeni karo dhibaato.
xasad (1) Wanaagga dadka kale helayo oo laga naxo ama la nebcaado ama la jeclaysto in iyaga laga qaado oo isaga loo soo wa-reejiyo; khayrka dadka kale haysto oo laga gubto.
xasad (2) Cid xasad kula kicid, xaasid ku noqosho. ld xaasid².
xasanaad 1. Camal wanaagsan oo loo falo ka raalinimada Eebbe in lagu gaaro. 2. Abaalgud lagu helo camal wanaagsan oo la sameeyo.
xasarad Carqalad; shiddo.
xasaradayn eeg xasaradee.
xasaradee Cid dhi-baato u gaysasho.
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>