Ereyga Maanta: tabatabbo
curcurrey Shimbir qoolleyda u eg kana yar.
curdaalo Roobka jiilaalka dhammaadkiisa da'a; garabcas. ld cordaalo.
curdan 1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. ld cardun, curdin, curdun.
curdansad ld curdansasho.
curdansasho eeg curdanso. ld curdansad, curdansi.
curdansi ld curdansasho.
curdanso Curdan gurasho.
curdin ld curdan.
curdun ld curdan.
cureeji Guntiino xariir ah oo haweenku qaataan.
curfi Xeer aan qornayn ee la isku maamulo; xisti. ld curuf.
curi Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid.
curin eeg curi. ld curis (3).
curis 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. ld curin.
curiye (1) (riw.) Qofka wax curiya.
curiye (2) (kiim.) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92.
curiye (3) (nax.) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga.
curmid eeg curan¹.
curnaan eeg curan. ld curnaansho.
curnaansho ld curnaan.
curo 1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid.
curqid eeg curuq². ld curuq¹ (3).
curraaf (1) 1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. ld curraf, curraafiye.
curraaf (2) Neef ido ah dheddig oo laf yar.
curraaf (3) Cid sixrid.
curraafee Xiddiga ka faalin. ld curraafi, currafee, currafi.
curraafeyn curraafee. ld currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi.
curraafi ld curraafee.
curraafid eeg curraaf³.
curraafin ld curraafeyn.
<< < 268 269 270 271 272 273 274 275 276 277 278 > >>