dac Biyo wasakh ah oo ku hara kaalinka ay xooluhu ka cabbaan.
dacaayad ld dicaayad.
dacaayadee ld dicaayadee.
dacaayadeyn ld dicaayadeyn.
dacaayo ld dicaayad.
dacal (1) Daraf, dhinac, cirif.
dacal (2) Summad xoolaha loo yeelo oo dhegta dhinaceeda hoose la jeexo.
dacalmadow Qori qaar ka mid ahi gubtay.
dacar (1) Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.
dacar (2) 1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
dacarayn eeg dacaree.
dacaraysan Qof dacar haysa ahaansho.
dacaraysnaan eeg dacaraysan. ld dacaraysnaansho.
dacaraysnaansho ld dacaraysnaan.
dacarbax (1) Bixidda caloosha qaras ku jirta ay ka baxdo.
dacarbax (2) Calool ama xiidmo qaras ku jirtay, ka bixid.
dacarbixi Calool ama xiidmo, qaras ku jirtay ka saarid.
dacarbixid eeg dacarbax².
dacarbixin eeg dacarbixi.
dacardhiig Dabadhiig.
dacaree 1. (f.g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid.
dacarfaal (1) Qaadashada dawo iwm si ay caloosha qarasta ku jirto uga saaranto; qarasfaal. ld dacarfaalid.
dacarfaal (2) Caloosha si qaras ku jirto looga saaro, daawo iwm qaadasho. ld dacarfal².
dacarfaalid eeg dacarfaal². ld dacarfaal¹, dacarfal¹, dacarfalid.
dacarfal (1) ld dacarfaalid.
dacarfal (2) ld dacarfaal².
dacarfalid ld dacarfaalid.
dacaroo Wax dacar hayso noqosho (cid).
dacarood eeg dacaroo.
dacas (1) 1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato.
<< < 295 296 297 298 299 300 301 302 303 304 305 > >>