hanjeelin eeg hanjeeli. ld hanjeelis.
hanjeelis ld hanjeelin.
hanjiid (1) Qob ka saaridda in yar oo gocoso ah gacan qobka looga saaro.
hanjiid (2) Gocoso gacan qob uga saarid.
hanjiidan Gocoso gacan qob uga saarayo ahaansho.
hanjiidasho eeg hanjiido.
hanjiidid hanjiid².
hanjiidnaan eeg hanjiidan ld hanjiidnaansho.
hanjiidnaansho ld hanjiidnaan.
hanjiido Gocoso, qob gacan kaga saarasho.
hankaag (1) Daal iyo dhibaato badan lagala kulmo socod muraadkii lagu hungoobay.
hankaag (2) Wax lagu hungoobay daal iyo dhibaato badan kala kulmid.
hankaagid eeg hankaag².
hankaagsan Wax hankaag la kulmay ahaansho.
hankaagsanaan eeg hankaagsan. ld hankaagsanaansho.
hankaagsanaansho ld hankaag-sanaan.
hankool ld hangool.
hanna Dembi ah wax ka baxsan ballannada herinta ama xeerka qofkii ku xad gudba ayaa la yiraahdaa (hannaa gashay) waxaana ugu culus, u galmoodka naageed inta ugaarsiga lagu jiro ama loo tabaabushaysanaayo, siiba waqtiyada oroobka.
hannaad ld hanna.
hannaan 1. Wax si wanaagsan u agaasiman. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin.
hannaani Wax hannaan wanaagsan u yeelid.
hannaanin eeg hannaani.
hannas Kulayl badan.
hano (1) 1. Finan madaxa ka soo baxa oo timaha hoolhoola. 2. Booli; xaaraan.
hano (2) 1. Wax mas'uuliyaddooda ku filnaasho. 2. Wax hantiyid ama qabsasho.
hanqaaran (1) 1. Luggooyo. 2. ld han-qaarmid.
hanqaaran (2) Qof hankaagsan noqosho. ld hanqaran².
hanqaare 1. Xiiqid. 2. Qalbijab. 3. Wax si aan habboonayn loo qaado.
hanqaarmid eeg hanqaaran². ld hanqaaran¹, hanqaran¹, hanqarmid.
hanqabtirid eeg haqabtir². ld haqabtir¹.
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>