liibaanid eeg liibaan².
liic (1) Foorar; janjeer.
liic (2) Wax dhinac u janjeerid.
liici Wax dhinac u jenjeerin.
liicid eeg liic. ld liicis.
liicin eeg liici. ld liicis.
liicis ld liicin.
liicliic (1) Tabarddarro awgeed oo hadba dhinac loo janjeersado. ld liicliicid.
liicliic (2) Hadba dhinac u janjeersasho.
liicliicid eeg liicliic². ld liicliic¹.
liicliicsan Wax liicliica ahaansho.
liicliicsanaan eeg liicliicsan. ld liicliicsanaansho.
liicliicsanaansho ld liicliicsanaan.
liicsad ld liicsasho.
liicsan Wax dhinac u qallooca ahaansho.
liicsanaan eeg liicsan. ld liicsanaansho.
liicsanaansho ld liicsanaan.
liicsasho eeg liicso. ld liicsad, liicsi.
liicsi ld liicsasho.
liicso Wax dhinac u janjeersasho.
liid (1) 1. L. ah: qof jilicsan oo tabar yar. 2. Nacas, doqon.
liid (2) Cid quursasho; yasid.
liidaanyeysan Qof wax liidaanyo hayso ahaansho.
liidaanyeysnaan eeg liidaanyeysan. ld liidaanyeysnaansho.
liidaanyeysnaansho ld liidaanyeysnaan.
liidaanyo (daaw.) Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
liidaanyoo Liidaanyo dareemid.
liidaanyood eeg liidaanyoo.
liidasho eeg liido.
liidid eeg liid².
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>