Ereyga Maanta: cawirow
tebbed (2) Weel saan xoolaad ka samaysan oo subagga iyo muqmadda lagu shubto oo leh af dhuuban iyo aabur.
tebbed (3) Irrid iwm tebbed (qataar) ku xirid.
tebbedid eeg tebbed³.
tebediin Kalluun weyn oo badda ku nool oo hilib macaan. ld tabadiin.
tebi 1. (f.g) Gudbin, gaarsiin. 2. (f.mg) Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid.
tebid eeg teb. ld towid.
tebin eeg tebi.
tebis (1) Aan rimin waqtigii ay rimi lahayd (xoolo).
tebis (2) Rimi waayid (xoolo).
tebisid eeg tebis².
tee (1) (kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.
tee (2) Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Fartee baa kula qurxoon?”.
teed (1) 1. Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro. 2. Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay. 3. ld teedin.
teed (2) ld teedi.
teed (3) ld teeda2.
teeda (1) (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tus. “Weyddii halka ay teeda uga tagtay”.
teeda (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tus. “Gacanteeda ayay ku qortay warqaddan”. ld teed³.
teedi Ood, qoryo iwm xiriir isu dhigid. ld teed².
teedid ld teedin.
teedin eeg teedi. ld teed¹ (3), teedid.
teedsan Wax si taxan la isu daba dhigay ahaansho.
teedsanaan eeg teedsan. ld teed-sanaansho.
teedsanaansho ld teedsanaan.
teegaar ld taageer.
teegaare ld taageere.
teegaarid ld taageerid.
teegaaro ld taageerid.
teelee Cunto si habsami leh u qaybin.
teeleyn eeg teelee. ld teelo.
teello Abaal.
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>