yabar Xoolaha ugu horreeya oo la siiyo arooska.
yabarayn eeg yabaree.
yabaree Ka y.: cid mingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tumid).
yabaro Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
yablas (1) Qaylo badan.
yablas (2) Qaylo badan samayn.
yablasid eeg yablas².
yabooh (1) 1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yaboohsadaan la siiyo. 2. ld yaboohid.
yabooh (2) 1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.
yaboohi 1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
yaboohid eeg yabooh². ld yabooh¹ (2).
yaboohin eeg yaboohi. ld yaboohis.
yaboohis ld yaboohin.
yaboohsad ld yaboohsasho.
yaboohsasho eeg yaboohso. ld yabooh-sad, yaboohsi.
yaboohsi ld yaboohsasho.
yaboohso Qof cayr ah cid baryid.
yabqid eeg yabaq². ld jabqid.
yac (1) Sagaarada teeda dheddig.
yac (2) Ka joog! Daa!
yacarun ld carun.
yacay (1) Geedo yaryar iwm oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol.
yacay (2) Guri yacay dhigid.
yacayan Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
yacayid eeg yacay².
yacaynaan eeg yacayan. ld yacaynaan-sho.
yacaynaansho ld yacaynaan.
yacni Waxaa loola jeedaa.
yacyacood 1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
yad (1) 1. Awood gacan lagu fuliyo. 2. Mulkile. 3. Gacan. ld yed¹.
<< < 1570 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 > >>