Maktabad Cusub oo laga furay Magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Mudane Cabdirixmaan Cabdi Axmed ayaa maanta waxuu xariga kajiray Maktabada Guud ee Magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo waxuuna Agaasimaha wasarada arimaha Gudaha Jubbaland ku wareejiyey Maamulka Maktabada Garbahaaray Lacag dhan Kun (1000) Doolar waxuuna kaloo balan qaaday Mashaariic kale oo lagu hormarinayo Maktabada iyo Magaalada Garbaaharay.

Maamulka Maktabada Garbaaharay iyo Marti sharaftii ka qayb gashay Munaasabadii lagu daah furaayey Maktabada Garbahaaray ayaa waxay umahadceliyeen Agaasimaha Wasarada Arimaha Gudaha Jubbbaland Mudane Cabdirixmaan Cabdi Axmed sida wanaagsan ee ugala soo qayb galay Shacabka Gobolka Gedo Furitaanka Maktabada Guud ee Magalada Garbahaaray taas oo maanta kadhacday Magaalada Garbaaharay.

Leave a Reply