Nairobi: Xarunta Aw-Jaamac oo wada daruus afka Soomaaliga ah oo socon doona maalmo

Khamiis, Agoosto 11, 2016 (HOL)-Laga soo bilaabo Talaadadii lasoo dhaafay ilaa hada oo aanu warbixintaan qoreyno waxaa magaalada Nairobi kasocota daruus lagu baranaayo afka Soomaaliga iyo balaagadiisa (Somali Literature).

Daruustaa ayaa lagu baranayaa ama lagu qaadanayaa siminaar 5 maalmood ah oo soo bilowday Salaasadii aanu soo dhaafnay waxaana bixinaaya Barafasoor Siciid Saalax. Xaafada Islii dad badan oo kunool oo Soomaali ah ayaa wax ka kororsanaya isla markaana qaadanaya daruusta siminaarka.

Waxaa soo abaabushay siminaarka Xarunta Aw-Jaamac Cali Ciise ee Aqriska, Wax Qoridda iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo kutaala waddada 6aad ee Islii.

Si kastaba ha ahaatee, siminaarka maalin walba oo maalmahaa ka mid ah wuxuu ka dhacaa hoolka weyn ee machadka Atlas ee waddada 8aad ee xaafada Islii.

Waxaa aad loogu baranayaa daruustaa abla ableynta Soomaaliga iyo sida sheekooyinka loo curiyo-creative story writing.

Xigasho:
Hiiraan Online

Leave a Reply