wicitaan ld wicid.
wiciyad Alaabta guriga looga adeegto. ld wiiciyad.
wid Erey eyga lagu eryo ama qof lagu ihaa-neeyo.
widwid Dariiq yar oo isku xira guryo ama aqallo isu dhaw; widwide. ld widwide.
widwide ld widwid.
wif Erey tilmaama dhawaaqa wax sida wiifowga u wareego.
wiflee Orod iyo socod tiro badan samayn.
wifleyn eeg wiflee.
wiglee Wiglo ciyaarid. ld wilgee.
wigleyn eeg wilgee. ld wilgeyn.
wiglo Cod maanseed lagu ciyaaro ciyaarta dhaantada; hirwo. ld wilgo.
wii Codka wiishka.
wiif 1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.
wiifi 1. Sida wiifowgii u wareegin. 2. Aad u orodsii.
wiifid eeg wiif.
wiifin eeg wiifi.
wiiflee 1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.
wiifleyn eeg wiiflee.
wiifow 1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.
wiig Muddo toddoba beri ah oo isku xigta; toddobaad; usbuuc; sitimaan.
wiil 1. Inan; kuray; ilmo yar oo lab ah. 2. Adeege; madiidin; qawsaar. 3. Isha birtee-da; wil.
wiilnimo Carruurnimo.
wiilo Gabar u saansaan eg wiil.
wiinrif Nooc dhirta ka mid ah.
wiiq1 1. Bowdada madaxeeda misigta ku jira. 2. Misiqta fiiqeeda. wiiq2 Cid, arrin iwm wax-yeello gaarsiin. wiiqan1 Wax la wiiqay noqosho. wiiqan2 Wax la wiiqay ahaansho. wiiqid eeg wiiq².
wiiqmid eeg wiiqan¹.
page : 37 of 40
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >