turjumnaan ld tarjumnaan.
turjumnaansho ld tarjumnaan.
turjumo ld tarjumo.
turjun ld tarjun.
turmaag T. ah: wax ama qof si toos ah oo aan dhaqaaq lahayn u taagan.
turmaagan Wax, si toos ah oo aan dhaqdhaqaaq lahayn u taagan ahaansho.
turmaagnaan eeg turmaagan. ld turmaagnaansho.
turmaagnaansho ld turmaagnaan.
turniimo ld turaal.
turniin ld turaal.
turniinsho ld turaal.
turqan Wax la turqay ahaansho.
turqanaan eeg turqan. ld turqanaansho.
turqanaansho ld turqanaan.
turqasho eeg turqo.
turqid eeg turuq². ld turuq¹ (3).
turqo Wax mudasho.
turraaxad Maro midab leh oo sariiraha lagu goglo ama la huwado.
turub1 Xaashiyo cayaaro badan oo kala jaad ah lagu cayaaro oo afar cuntub u qaybsan: hadhiin, dheemman, karaawil iyo isbig. turub2 Turub cayaarid. turuc ld tiric.
turug 1. Muruq. 2. Meel taag ah.
turumbo (muus.) Bigil.
turumbuukh Xiddig-badeed.
turunturrayn eeg turunturree. ld turaanturrayn, turaanturro, turaanturyayn.
turunturree Qof socda hore u ridid. ld turaanturree, turaanturyee.
turunturro ld turunturrayn.
turunturroo Cid socota hore u dhicid.
turunturrood eeg turunturroo.
turuq1 1. Murqo waaweyn oo dadku yeesho. 2. Tolmo halhalluuq ah oo foolxun. 3. ld turqid.
page : 56 of 60
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >