jadeerwac2 1. Meel aad u fog aadid. 2. Wax diidid. 3. Cid u jixinjixid. jadeerwacad ld jadeerwacasho.
jadeerwacasho eeg jadeerwaco. ld jadeerwacad.
jadeerwaco 1. Meel dheer socod ku tegid. 2. Wax diidid.
jadeerwicid eeg jadeerwac². ld jadeerwac¹ (2).
jadhaabalaf ld jidhaabalaf.
jadiin 1. ld jidiin. 2. Cunto.
jadwal Qorshe ammineed muujinaya sida hawl loo fulinayo.
jaf1 1. Garaac; tumid. 2. Qolofta geedaha laga jafto (inta la gargaraaco). 3. Orod u eg wax la ganay; kuddo; fag. jaf2 1. J. dheh: daf dheh; la bood; fag dheh. 2. J. ka sii: ka daf, ka dhifo. jaf3 1. Gogol iwm boor ka duulin. 2. Geed si qolofta looga goosto garaacid. 3. Geed garaacid ama ruxid si mirihiisi ay u soo daataan. jafaal 1. Dubka kore ee dhirta qaarkeed, laga jafo. 2. Nin lixaad weyn; tiirri.
jafaali Wax si xoog leh uga dhifasho; uga dafid.
jafaalin eeg jafaali. ld jafaalis.
jafaalis ld jafaalin.
jafaan Qalab bir ah ama wax kale, oo geedaha xijiga oo irmaan lagu sarsaro.
jafal Iniinaha bunka, kolka ay dhanyihiin oo beerkii ku gudajiro.
jafaliil J. ah: wax aan qaab wannaagsan lahayn; foolxun.
jafaliile Shayddaan; indhaxamil.
jafan La jafay.
jafasho eeg jafo.
jafeeco (bot.) Nagaar weyn oo weligi si hunbulan u baxa; wuxuu bixiyaa ubax cillaan ah oo aad u qurux badan.
jafid eeg jaf³.
jafjaf1 1. Dhul dulla ah oo dhaguxu ku badan yahay, leh dhir badan oo geed-gaab ah mariddeeduna adagtahay. 2. Qolof, jilif iwm oo geedo laga soo guray. jafjaf2 1. Qolof, jilif iwm geed ka ridid. 2. Gogol iwm boor ka duulin. jafjafid eeg jafjaf².
jaflayn eeg jaflee.
jafle 1. Xoolo lugaha dambe oo wax lagu haraatiyo, siiba lo'da la lisayo oo kirtanka badan. 2. Miraha ceerinka marka ay qallalaan.
jaflee Xoolo jafle samayn.
jafnaan eeg jafan. ld jafnaansho, jafni.
page : 8 of 53
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>