tabbicid eeg tabbac². ld tabbac¹.
tabcaan T. ah: qof daal ama xanuun la liita. ld tacbaan.
tabcayn eeg tabcee.
tabcee Cid tabco ku qabasho.
tabcid ld tacbid.
tabco Hab laba qof oo legdamaya mid midka kale lugtiisa ku maro.
tabee Wax xeeladayn.
tabeeye (riw.) Qof hawshiisu tahay muuqdoorinta jilaha masraxa ama filimka.
tabiino Wax tar hiil iyo hooba leh. ld tamiino, tammiin, tammiino.
tabis ld dabis.
tabkac1 ld tabkicid. tabkac2 Dhibaato ka gudbid. tabkicid eeg tabkac². ld tabkac¹.
tabnaan eeg taban. ld tabnaansho.
tabnaansho ld tabnaan.
tabo 1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho.
tabsan Sac ama qaalin lo'aad wax boodid u baahan ahaansho.
tabsanaan eeg tabsan. ld tabsanaansho.
tabsanaansho ld tabsanaan.
tacaal1 ld tacaalid. tacaal2 La t.: qof buka caafimaadkiisa ku dadaalid. tacaalid eeg tacaal². ld tacaal¹.
tacab1 1. Hantida xoogsiga ku timaadda. 2. Hawl; xoogsi; shaqo. 3. ld tacdbid. tacab2 1. (f.g) Beer dalag ka soo saarid. 2. (f.g) Hawl faa'iido ka helid. 3. (f.mg) Ku t.: qof maalgelin si noloshiisa loo hagaajiyo. ld tabac². tacabbir 1. Dal kale u dhoofid si shaqo looga helo. 2. Haajir.
tacabbirid eeg tacabbir.
tacabkhasaaro Dadaal miro dhalin la'aan.
tacabkordhin Wax soo saarka oo la badiyo.
tacabla'aan Shaqo la'aan.
tacablaawe Qof ma shaqayste ah.
page : 9 of 60
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>