yaboohid eeg yabooh². ld yabooh¹ (2).
yaboohin eeg yaboohi. ld yaboohis.
yaboohis ld yaboohin.
yaboohsad ld yaboohsasho.
yaboohsasho eeg yaboohso. ld yabooh-sad, yaboohsi.
yaboohsi ld yaboohsasho.
yaboohso Qof cayr ah cid baryid.
yabqid eeg yabaq². ld jabqid.
yac (1) Sagaarada teeda dheddig.
yac (2) Ka joog! Daa!
yacarun ld carun.
yacay (1) Geedo yaryar iwm oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol.
yacay (2) Guri yacay dhigid.
yacayan Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
yacayid eeg yacay².
yacaynaan eeg yacayan. ld yacaynaan-sho.
yacaynaansho ld yacaynaan.
yacni Waxaa loola jeedaa.
yacyacood 1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
yad (1) 1. Awood gacan lagu fuliyo. 2. Mulkile. 3. Gacan. ld yed¹.
yad (2) 1. Cid ama wax gacan wax ku yeelid. 2. Gacan wax ku dhigid. 3. ld yad 2. U y.: cid wax siin. 4. Ku y.: cid gacan wax ku yeelid.
yadan Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
yadid eeg yad².
yagcar (bot.) Geedka mayddiga dhalo.
yagleel (1) ld yagleelid.
yagleel (2) 1. Xero ama deyr si ku meel gaar ah u samayn. 2. Labo qof oo is guursanaaya guri u dhisid.
yagleelid eeg yagleel². ld yagleel¹.
yah Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.
yahaabur Y. ah: qof lixaad weyn.
yahaaburnimo Yahaabur ahaansho.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>