aaladeysan 1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).
aaladeysnaan eeg ±aladeysan. ld aaladeysnaansho.
aaladeysnaansho ld ±aladeysnaan.
aale Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iwm.
aalkol Dareere aan midab lahayn oo dabka qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld aalkolo.
aalkolo ld aalkol.
aallid eeg aal². ld oollid.
aalo Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.
aamanuu Waqti hore oo aad u fog.
aameel 1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan.
aamiin ld aammiin.
aamiinsad ld aamiinsasho.
aamiinsasho ld aammiinsasho.
aamiinsi ld aammiinsasho.
aamiinso ld aammiinso.
aamm aammiinso Aaammiin dhihid. ld aamiinso.
aammiin Erey la yiraahdo marka la duceysto kaddib, oo ujeeddadiisu tahay in Ilaah aqbalo ducada. ld aamiin.
aammiinsad ld aammiinsasho.
aammiinsasho eeg aamminso. ld aamiinsad, aamiinsasho, aamiinsi, aammiinsad.
aammin1 1. Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi (qof). 2. Nabad ah; aan cabsi lahayn (meel). aammin2 1. Cid kalsooni ku qabid. 2. Ku aa.: cid si kalsooni leh wax ugu dhiibasho. aamminaad ld aamminid.
aamminbax Ka aa.: qof, cid aamminkii uu ku qabay lumin.
aamminbixid eeg aamminbax.
aammindarreysad ld aammindarreysasho.
aammindarreysasho ld aammindarreysad, aammindarreysi.
aammindarreysi ld aammindarreysasho.
aammindarreyso Ka aa.: cid ka aamminbixid.
aammindarro Kalsooni la'aan.
aamminid eeg aammin².
page : 4 of 75
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>