Ereyga Maanta: hirqad
g  (ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.
gaab  Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.
gaaban  Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.
gaabbaguul1  U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay. gaabbaguul2  Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid. gaabbaguulid  eeg gaabbaguul².
gaabbayn  eeg gaabbee.
gaabbee  Aayar socosho.
gaabi1  Qiyaas dheerer oo intii laga rabay ka gaaban. gaabi2  1. (f.g) Wax dheeraa wax ka dhimid. 2. (f.mg) Aayar u socosho. gaabin  eeg gaabi². ld gaabis
gaabis  1. Gaabis ah: socod yaraan. 2. ld gaabin.
gaabnaan  eeg gaaban. ld gaabnaansho, gaabni.
gaabnaansho  ld gaabnaan.
gaabni  ld gaabnaan.
gaabsad  ld gaabsasho.
gaabsasho  eeg gaabso. ld gaabsad.
gaabshow  Gaabshow ah: nafley aayar u socota oo aan dheerayn.
gaabsi  Galmo aan xalaal ahayn.
gaabso  1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.
gaaci  1. Qof dagaal ku jira ul iwm u taagid. 2. Dareera xoog meel ugu shubid.
gaacin  eeg gaaci. ld gaacis.
gaacis  ld gaacin.
gaad1  1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan. gaad2  Nafley si lama filaan ah ugu kedin. gaadaami  Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
gaadaamid  eeg gaadaan².
gaadaamin  eeg gaadaami. ld gaadaamis.
gaadaamis  ld gaadaamin.
gaadaan1  Qarqarsi.
page : 1 of 102
1 2 3 4 5 6 > >>