gaalnimo Gaal ahaansho.
gaaloobid eeg gaalow².
gaalow1 Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis. gaalow2 Gaal noqosho. gaalshire Xabsi.
gaameyt (baay.) Unug taran oo dhex gala gaamayt kale, si uu u abuuro bacrimane.
gaamur Aad u xoogaysi (nafley).
gaamurid eeg gaamur.
gaan 1. Wax xooggan oo adkaysi leh. 2. Geel aan irmaanayn. 3. G. ah: wax aad u badan.
gaane G. ah: geel aan irmaaneyn.
gaannan Wax xoog badan yeeshay ahaansho.
gaannanaan eeg gaannan. ld gaannanaansho.
gaannanaansho ld gannaanaan.
gaanni1 1. Yaxaas lab oo dilaa ah. 2. Ugaarta nooceeda waaweyn; ishin. gaanni2 G. ah: fardo xoog, cayil iyo adkaysi isku darsaday. gaantay (jool.) Xabuub khafiif oo dhadhaab lakabeed oo ka dhashay dhoobo, waxa laga yabaa iney ku sameysantey cadaadis culeyska dhadhabaha kor saaran dartood, ama sibidhow (cementation), sida nuuradda.
gaar 1. Xuub ku dahaaran ilmo dhashay. 2. Dhiil, abxad iwm wax korka looga dahaaro. 3. Urun.
gaar1 1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iwm. 3. G. ah: khaas ah. 4. Dhaawac callirsan. gaar2 (nax.) Magac guud iyo magac g. gaar3 1. (f.g) Meel tegid. 2. (f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid. 3. (f.g) Jir cananno ku suntid. 4. (f.g) Dhiil, abxad iwm dahaarid. 5. (f.mg) Wax, wax ku filnaansho. gaaraabbidhaan ld gaaraabbidhood.
gaaraabbidhood Cayayaan yar, duula oo qaarka dambe ku leh maaddo iftiin bixisa habeenkii. ld gaaraabbidhaan.
gaararro 1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Dabada raha.
gaarcadde ld garcadde.
gaardi1 Socod habeysan oo tallaabada la isla helayo oo ciidammada u gaar ah. gaardi2 Socod habeysan oo tallabada la isla helayo. gaardin ld gaardiyid.
gaardis ld gaardiyid.
gaardisii Cid gaardi ku socodsiin.
gaardisiin eeg gaardisii.
page : 6 of 102
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>