Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
gaadaan2  Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin. gaadaansad  ld gaadaansasho.
gaadaansan  Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).
gaadaansanaan  eeg gaadaansan. ld gaadaansanaansho.
gaadaansanaansho  ld gaadaansanaan.
gaadaansasho  eeg gaadaanso. ld gaadaansad, gaadaansi.
gaadaansi  ld gaadaansasho.
gaadaanso  Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
gaadaar  1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.
gaadaddo  Nafley badda ku jirta oo xiddigtadhul u eg.
gaadala-aqoon  ld gadaala-aqoon.
gaadasho  eeg gaado².
gaaddabbuur1  1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo. gaaddabbuur2  U g.: guulguul samayn (cid). gaaddabbuurid  eeg gaaddabbuur².
gaaddaxir  Waxyaabaha lagu qurxiyo fardaha marka la heenseeyo.
gaaddo  1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
gaade  1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.
gaadeeryo  1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.
gaadid  eeg gaad². ld gaadis, gaadmo, gaadniin.
gaadiid  Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.
gaadiidsad  ld gaadiidsasho.
gaadiidsasho  eeg gaadiidso. ld gaadiidsad, gaadiidsi.
gaadiidsi  ld gaadiidsasho.
gaadiidso  Wax gaadiid ka dhigasho.
gaadis  ld gaadid.
gaadmo  Kedinta si lama filaan ah wax loogu kediyo. ld gaadid.
gaadniin  ld gaadid.
gaado  Wax si gaar ah u qiimeyn.
gaado1  Asluub; dhaqan.
page : 2 of 102
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>