gaado (2) Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho.
gaadoowe Kalluun xeebta aan ka fogaan oo leh diillimo dheerer ahaan ugu mardimaysan.
gaaf (1) 1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
gaaf (2) Wax ka dheeraan iyada oo muujinaya diidmo iyo nicitaan (nafley).
gaafabbax (1) ld gaafabbixid.
gaafabbax (2) Reer u gaar ah yeelasho (wiil).
gaafabbixi Miile (kal) siin (qof).
gaafabbixid eeg gaafabbax². ld gaafabbax¹.
gaafabbixin eeg gaafabbixi.
gaafal Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.
gaafammeer (1) ld gaafmeerid.
gaafammeer (2) ld gaafmeer².
gaafammeerid ld gaafmeerid.
gaafan 1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).
gaafasho eeg gaafo².
gaafeysad ld gaafeysasho.
gaafeysasho eeg gaafeyso. ld gaafeysad, gaafeysi.
gaafeysi ld gaafeysasho.
gaafeyso Wax kaltan ku qaybsasho.
gaafid eeg gaaf².
gaafmeer (1) 1. Socodka uu qof sameeyo isaga oo iska ilaalinayo in ay cidi aragto; kormeer; afmeer. 2. ld gaafmeerid. ld gaafammeer¹, gaafwareeg¹.
gaafmeer (2) Meel cidla ah socosho iyada oo layska ilaalinayo dad; kormeerid; afmeerid. ld gaafammeer², gaafwareeg².
gaafmeerid eeg gaafmeer². ld gaafammeer¹, gaafammeerid, gaafmeer¹ (2), gaafwa
gaafnaan eeg gaafan. ld gaafa-naansho.
gaafnaansho ld gaafnaan.
gaafnow Wax diyaar ah noqosho.
gaafo (1) 1. Waqti dheer. 2. Miileysi; kaltan.
gaafo (2) 1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.
gaafootamid eeg gaafootan². ld gaafootan¹ (2).
gaafootan (1) 1. Kaltan. 2. ld gaafootamid.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>