gaajabbeel2 Nafley baahneyd gaajo iska reebid. ld qaajabbeel². gaajabbeelid eeg gaajabbeel². ld qaajabbeelid.
gaajaysan Wax gaajo hayso ahaansho. ld qaajaysan.
gaajaysnaan eeg gaajaysan. ld gaajaysnaansho, qaajaysnaan, qaajasnaansho.
gaajaysnaansho ld gaajaysnaan.
gaajo Dareen jirku dareemo marka cuntadu ka raagto. ld qaajo.
gaajoo Gaajo dareemid.
gaajood eeg gaajoo.
gaal1 1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). gaal2 1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad. gaalad Haweeney aan muslin ahayn.
gaalayn eeg gaalee.
gaalee Cid gaal ka dhigid.
gaalib1 Nooc fardaha orodkooda ka mid ah. gaalib2 Faras orod aan dheerayn samayn. gaalibid eeg gaalib².
gaalis (xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.
gaalis-furan (xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
gaalis-xidhan (xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
gaallan Wax aan muddo lagu dhaqmin ahaansho.
gaallanaan eeg gaallan. ld gaallanaansho.
gaallanaansho ld gaallanaan.
gaallays1 Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo. gaallays2 Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo. gaalleef 1. Nooc ka mid ah toorreyda oo godan. 2. Mindi dheer oo godan oo qaab toorrey leh.
gaalli 1. Wax aayar u wadid. 2. Wax yarayn.
gaallin eeg gaalli.
gaallisee 1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.
gaalliseyn eeg gaallisee.
gaalliso Nooc ciyaaraha lagu jaameeyo ka mid ah.
page : 5 of 102
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>