Ereyga Maanta: hirqad
t  (ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.
ta1  kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1) ta2  Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”. ta'wiil1  1. Fasirashada uu qofi fasirta wax, isagoo ku saleynaya xaqiiq jirta. 2. ld ta'wiilid. ta'wiil2  Wax iyadoo xaqiiqooyin jira lagu saleynayo maskax ahaan u fasirasho. ta'wiilasho  eeg ta'wiilo.
ta'wiilid  eeg ta'wiil². ld ta'wiil¹ (2).
ta'wiilo  Wax fasirasho.
taa1  Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taa2  eeg taas². taa3  ld taada². taa'ib1  Qof toobad la yimid oo wixii hore ka soo noqday. taa'ib2  Cid towbakeenid. taa'ibid  eeg taa'ib.
taab1  1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taab2  1. Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn. taabac1  ld taabicid. taabac2  1. Cid raacid. 2. Socod dheereyn ku jirto socosho. taabacsan  Qof kale raacay ahaansho (qof, wax).
taabacsanaan  eeg taabacsan. ld taabacsanaansho.
taabacsanaansho  ld taabacsanaan.
taabad  ld taabasho¹.
taabasho1  eeg taabo. ld taabad. taabasho2  (daaw.) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabbaggal1  ld taabbaggelid. taabbaggal2  Wax meel maray ama hirgalay ahaansho. taabbaggeli  Wax, wax meel mar ah, ka dhigid.
taabbaggelid  eeg taabbaggal². ld taabbaggal¹.
taabbaggelin  eeg taabbaggeli.
taabbaggud1  ld taabbaggudid.
page : 1 of 60
1 2 3 4 5 6 > >>