gelid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg gal³. ld galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelnii.

gal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.
  2. 1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iwm).
  3. (galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iwm wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi).

galmo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Isu tegidda ragga iyo haweenka. 2. ld gelid.

galniin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld gelid.

gelis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld geli.
  2. ld geli.

gelitaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Irid laga galo meel. 2. ld geli.