kood

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
  2. ld kooda².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

faq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Hadal hoos la isugu sheegid.
  2. Hadal hoos isugu sheegid; shawrid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xodxodasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg xodxodo².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

farow

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-wyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Gammaan dibadeed, leh midab isugu jira diillimo caddaan iyo madow ah oo laga helo Afrika kaliya. 2. Xoolaha aadka u cayila. 3. Xararka rarada lagu dhigo jaad ka mid ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

l

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (la', laan, laam)

Macnaha:

  1. Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kooda

Qaabnax: mu.lh.l

Macnaha:

  1. (kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Kooda ayaa ka wanaagsan kiinna”.
  2. Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Macallinkooda ayay la tashadaeen”. ld kood².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur