bur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- 1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.
- Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.
- Biyo aad u karkarid.
- 1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

