bannaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.
  2. 1. Meel siman oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan ahaansho.

ban

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nan, m.l)

Macnaha:

  1. Dhul bannaan oo aan dhir la hargalo lahayn.
  2. Saxarro jilicsan; shuban.