dawo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld daawo1. ld dawaco.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

daawo

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld taawo¹.
  2. 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.
  3. Wax in muddo ah indhaha ku hayn.
  4. (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dawaco

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dugaag hilib ku noolka ka mid ah, eyga u eg kase yar oo ariga laaya. 2. Dawacada midkeeda dheddig. ld dacawo, dayo¹ (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur