deeb

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iwm. 3. Dambas.
  2. D.na: dabadeed, kaddib.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dambas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Budo midab ciira boos ah leh oo ka harta dhuxul bastay. 2. D. ah: Midab ciira boos ah. ld bambas.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

d

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).

Lamidka: deel

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

na

Qaabnax: mu.dhm.ly

Macnaha:

  1. Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.
  2. 1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur