kayn

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ymo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon.
  2. (juqr.) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda.

hawd

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn. 2. Xarigxarig.

jiq

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Meel geedo badan oo aan la dhex mari karin; hawd.

toon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Miro is qabsaday oo dhuuban. 2. Geela la tolo, saaladiisa isqabqabsata oo wax kuusan noqota.
  2. (nax.) Marka shay lagu dhawaaqayo codku wuxuu noqon karaa mid dheer ama mid gaaban ama mid dhexdhexaad ah.
  3. 1. Dhir urursan oo meel ku wada taal. 2. Geed yar oo buruqdisu ka mid ah kuwa cuntada lagu darsado oo lagu carfiyo.