jawaab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Hees loo qaado xoolaha la shubayo.
  2. Warcelin.
  3. 1. Wixii lays weyddiiyey ka warcelin. 2. Xoolo la shubaya hees u qaadid.

warcelin

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg warceli.
  2. Lammaaneynta wax soo saarka iyo wax gelinta ee hawl soohyada jirku fulinayaan. Shaqada war celinta waxay muhim u tahay hagaajinta shaqaajin dabiici ah oo badan ee jirku sameeyo: hormooniska soo saariddooda, iyo falgallada ensaymisku ka hawl galaan.