qof

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-faf, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Shakhsi aadami ah. 2. Q.na: ninna, cidna. 3. Q.af: dad.
  2. (nax.) Mid ka mid ah kaqaybgalayaasha warisgaarsiinta: “aniga” waa qofka 1aad oo hadlaya, “adiga” waa qofka 2aad oo ah lala hadlaha, “isaga”/”iyada” waa qofka 3aad oo ah laga hadlaha; saddexdaan qof kala keliga ah mid weliba waa wadaroobaa: 1aad “annaga/innaga”, 2aad “idinka”, 3aad “iyaga”.

q

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.

na

Qaabnax: mu.dhm.ly

Macnaha:

  1. Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.
  2. 1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

af

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax goyso. 3. Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.
  2. (afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

dad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyow, m.l)

Macnaha:

  1. Naaley waxa Eebbe abuuray ugu sarreysa, dhogor lahayn oo garaadkeeda hadal ku cabbiri karta.
  2. ld ded¹ (1).
  3. ld ded².