shiish

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.
  2. Wax nishaabid.

nishaab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Aqoonta toogashada yoolka. 2. Daldaloollada loo yeelo dhufaysyada si cadowga looga ilaaliyo. ld niishaab¹.
  2. Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. ld niishaab².

toog

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-go, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.
  2. 1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.