siyaasad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. ld siyaaso.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

basar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hab iyo hannaan qof bulsho uu la noolyahay ula dhaqmo. 2. Tab iyo xeelad qof adeegsado si uu arrin ugu xalliyo. 3. ld basrid.
  2. Wax si tab iyo xeelad leh u xallin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhagar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Khayaano.
  2. Khayaano cid ku samayn.

Lamidka: Khayaano

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

siyaaso

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld siyaasad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur