tag

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. 1. Guur. 2. Nasiib.
  2. 1. (f.g) Cid meel aadid. 2. (f.mg) Ka t.: wax dayn ama dhaafid. 3. (f.mg) Kala t.: cid wax kala baxsasho; kala bixid. 4. (f.mg) U t.: u imaansho; la kulmid; nin naag u galmoosho. 5. (f.mg) Ku t.: meel la tagayo gaadiid u raacid; wax la qaatay ka samrid. 6. (f.mg) Ula t.: arrin iwm cid la kaashad. 7. (f.mg) Uga t.: wax cid ku dhaafid. 8. (f.mg.) La t.: qaadasho; wadasho; kaxaysasho; raacid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

guur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).
  2. Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nasiib

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Hoodo; cawo; ayaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaadasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg qaado.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

wadasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg wado.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kaxaysasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg kaxayso. ld ka-xaysad, kaxaysi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

raacid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg raac.

Lamidka: raac

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur