wab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Saabley; feero; uur; wadne.
  2. Wabar, ugaas.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

saabley

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-yo, m.l)

Macnaha:

  1. Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

feero

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
  2. eeg feer¹; qaaxo.
  3. 1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iwm jeexjeexasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

uur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

wadne

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (c.nafl.) Xubin muruq ka samaysan, hoos ka daloosha oo leh qaab toobineed kuna sugan bartamaha saableyda, afkiisuna uu yaraha bidix u janjeero, ahna xubin dhexaadka dhiigga jirka u gudbisa. ld wadno.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur