xaraar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Gebi ku yaal babac qar dheer oo badanaa daayeerku ku hoydo habeenkii. 2. ld tarro. Dhagax-nuuradeed.
  2. 1. Dhadhan aan macayn. 2. Wallac. ld kharaar.
  3. Haweeney wallicid.

dhagax-nuuradeed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.

wallac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xanuun ka dhaca dumarka uurka cusub leh; waxaana lagu yaqaan: madaxwareer, candhuufo badni, mantag iyo ninka qaba oo ay jamato ama ay nacdo.
  2. Wallac dareemid.

tarro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Laba laamood oo isku dheggan halka ay ka farcamaan. 2. ld darro.

kharaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld xaraar¹.