bariis
(m.l)Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. ld bariid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bariis ↴
waabariisasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabariiso. ld waabberiiso. waabberiiso, waabariiso
waabariisii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii. waabberiisii
waabariisiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabariisii. ld waabberiisiin. waabberiisiin, waabariisii
waabariiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax meel waagu ugu baryid. ld waabberiiso. waabberiiso
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
qaabuuli [m.l]
1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iwm.
raari [m.l]
1. Nooc bariiska ka mid ah oo ka baxa waddanka Barma. 2. Meel dhir dhaadheer oo badan leh.
saarsaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.
ama [Xiriiriye | Conjunction]
Erey kala xiriirfura laba magac ama laba weerood. Tus. “Baasto ama bariis ii keen”, “Ama tag ama joog”. ld amba², amma.
baarug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Badar, bariis iwm oo la kariyay tarmid. 2. Badeeco iwm baarid.