baro
(m.dh)1. Degaan lagu dhasho ama lagu dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro ciyaarta xayaadka.
baro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tus. “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baro ↴
yabaro [m.dh]
Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
gaalis [m.l] (-syo, m.dh)
(xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.
tababbar [m.l]
Tabo aqooneed oo gaar ah oo cid la baro; layli; carbis.
tabaro [m.dh]
ld tabar.
addin [m.l] (-imo, m.dh)
1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.
afbaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Ilmo yar, sida loo hadlo barasho.
asiili [m.l]
1. ld asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay waxbarashada rasmiga ah bilaabin.
baashaar [m.l] (-rro, m.dh)
Kuul baro yaryar leh oo haweenku ku xarragoodaan.
baraale [m.l]
B. leh: wax baro leh.
baraaley [m.dh] (-leeyo, m.l)
B. leh: wax baro leh (dheddig).